Wasiirlka Warafaafinta Koon Fur Galbeed Oo Sheegay In Musharaxiin Hubaysan Ay tageen Baydhabo

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Xilli maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo laga dareemay Saxmad ku aadan Ciidan Farabadan oo ay la taageen qaar ka mid ah Mushaxiinta maamulka Koonfur Galbeed,islamarkaana Ciidamada Ammaanka ay walaac ka muujinaayeen ayaa arintaasi waxaa faahfaahin ka bixiyay maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Musharaxiin Ciidamo badan lasoo galay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu tilmaamay in Musharaxiintaasi ay doonayaan in ay Ciidanka ku suggaan Ammaankooda inta ay ku jiraan Ololaha doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxaa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada ay wataan Musharaxiinta si aan loogu fulin sababo ka baxsan ilaalinta Musharaxiinta xil doonka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *