Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Shir uga qeyb galay Kismaayo

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 —Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta kasoo qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.

kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo  Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland.

Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *