Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Kulmay Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A Khayaat.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha hormarinta.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha hormarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa isla Maanta waxa uu Muqdisho kula kulmay Safiirka Uk u fadhiya Soomaaliya,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *