Khilaafkii Ebed Ugu Xooganaa Oo Ka Taagn Dhuusamareeb

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Wararka ka imaanaya Magaalada Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobalka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in khilaaf awgii ay u baaqatay doorasho lagu waday in ay xildhibaanada Galmudug ee Dhuusa mareeb joga ku doortaan madaxweyneku xigeen.

Khilaaf ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa uu u dhaxeeyaa MadaxweynahaGalmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Gudoomiyaha guud ee ururka Ahlusuna ee Galmudug heshiiska la galay Macalim Maxamuud.

Waxaa ay labada dhinac isku khilaafeen raga qaar ee isu soo tagaaya doorashada madaxeyne ku xigeen oo la warinayo in mid waliba uu wato musharax gaar ah oo ay doonayaan in la doorto.

Waxaa uu qoshaha ahaa in khamiistii  aynu soo dhaafnay ay doorashada ka dhacdo Magaalada Dhuusa Mareeb, balse khilaafka awgii ay u baaqatay.

Lama Oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka hada ka jira Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobalka Galgaduud.

 

Lsoco Wixii Ku Soo Kordhaa 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *