Dhagayso:–Muqtaar Rooboow Oo Lasheegay In Uu Xaq Uu Uleeyahay In Uu Taratamo

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen in dowladda Soomaaliya ay culeys ku saareyso Muqtaar roobow in uu isaga haro tartanka doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa jira in arrintaas dowladda Federaalka lagu dhaliilayo.

Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in Muqtaar roobow sabab looga reebo doorashada aysan xiligaan jirin,isla markaana u xaq u leeyahay in uu u tartamo doorashada.

Siyaasiga Cali Daacuun ayaa sheegay in Muqtaar Roobow ay dowladda Federaalka soo dhaweysay,cafisay,isla markaana la siiyay Baasaboor Caalami ah sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ku qaldan tahay inay ku cadaadiso inuu ka haro doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana uu xaq u leeyahay u tartamida xilkaas.

Halkan Ka Dhagayso 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *