Booliska Kenya oo xiray mid ka mid ah Raggii Afduubtay Gabadha Talyaaniga ah

Muqdisho | QOL | December 12, 2018 —Wargeyska ilgiorno, ee ka soo baxa Dalka Talyaaniga ayaa daabacay in mid  ka mid ah Saddex Soomaali ah oo dalka Kenya ka afduubtay Gabar Talyaani ah gacanta lagu dhigay islamarkaana lahayo.

Ninkan ayuu Wargeyska Magaciisa ku sheegay Ibraahim Aadan Cumar,kaas oo Booliska Kenya ay ku eedeeyeen in uu darawal ka ahaa Mootada lagu afduubtay Silvia Romano.

Taliyaha Booliska Gobolka Tana River James Akoru, ayaa wargeyska laga leeyahay Talyaaniga u sheegay in Ibraahim laga soo qabtay degaanka Bangal.

Yuusuf Kuuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi, ayaa la maqan Gabadha u dhalatay Talyaaniga,waxaana Dowladda Kenya ay ku raadineysaa madaxooda lacag dhan $1,000 Doollar.

Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Tana River oo lagu magacaabo  Bernard Leparmara, ayaa sheegay in Ibraahim lala xiray labo qof oo walaalo ah kana tirsan Waaxda Duur joogta Kenya oo lala xiriirinayo Afduubka Gabadha Talyaaniga u dhalatay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *