Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka qayb galay Madasha Dooxa

Dooxa | QOL | December 15, 2018 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka Qatar uga qayb galay madasha sannadlaha ee Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in adduunyadu garaawsato in Soomaaliya ay kasoo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xilligaanna ay mudantahay in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qayb gaato horumarinta caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sannadkaan 2018 ayaa kala ahaa amaannka, nabadda iyo dhex-dhexaadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo isbedellada, waxa ayna sannadkaan ahayd sannadkii labaad ee mudane Xasan Cali Khayre uu ka qayb galo.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *