Dhagayso:–Xildhibaan Cali Xoosh”Puntland Waqooyiga Kuuriye Ma Ahan Mana Aqbalayno In Wasiirada Federaalka…

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019 — Xildhibaan Cali Yuusuf  Cali Xoosh  oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si kulul uga soo horjeestay Go’aankii kasoo baxay Madaxda Puntland ee Xubnaha Dowladda Federaalka looga mamnuucay inay tagaan Puntland inta ay socoto doorashada.

Kadib booqasho ay Maanta ku tageen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ayuu Cali Yuusuf  Cali Xoosh  sheegay in Puntland ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid tahay,isla markaana Warka ka soo baxay Madaxda Puntland uu yahay mid sharicdaro ah.

“waxaan aad uga xunahay oo aan suurtageli doonin oo dhaqan cuusb oo aan yeeli doonin.Erayga Cusub oo ah Wasiirada Puntland ma imaan karaan,halkaan Wwaqooyiga Kuuriya maahan oo xir xirneyd,qof kasta oo muwaadin ah inuu yimaado ayuu xaq u leeyahay mana jirto cid awood u yeelan karta.

Si la mid ah Xildhibaan Waxgarad iyo qeybaha kala duwan oo ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku taageeray Go’aanka uu qaatay Xildhibaanka ka tirsan Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *