Dhageyso:-Qodobo Laga Soo Saaray Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland

Muqdisho | QOL | Jan 03 2019 —Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta ka qabsoomay kulankii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Jubbaland,waxaana shir gudodomiyey Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

Qodobada Maanta looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta ammaanka deegaanada xorta ah iyo howl-gallada qeybtoodii hore ay bilowdeen ee lagu xoreynayo gobalka Jubbada dhaxe,kuwaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland ee Maanta ayaa waxaa warbixino looga qaar kamid ah Wasaaradaha dowlad goboleedka Jubbaland sida Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta iyo Wasaaradda Arimaha gudaha.

Dhageysiga Wasaaradahaas ka dib waxaa shirka intiisa badan looga hadlay howlgalada ka billowday Jubbaland kuwaas oo loo doonayo in lagu xoreeyo deegaanada wali kamaqan gacanta dowlad gobaleedka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *