Saciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland

Garowe | QOL | January 8, 2019 – Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Doorashadan ayaa la isla gaaray wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku  tartamay Saciid Cabdullaahi Deni  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35  iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31

Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sano ee soo socoto.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *