Maamulka Jubbaland Oo Sameeyay Magacaabis Cusub (Wareegto)

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa taliye Cusub oo dhinaca Amniga ah u Magacaabay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland Janeraal Aaden Koojaar ayaa Gaashaanle dhexe Siyaad Macalin Bashiir loogu magacaabey Taliyaha Amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa xilli shalay degmada Afmadow loo Magacaabay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen,sidoo kale halkaasi ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Hoos Ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *