Sawirro:-Madaxweyne Waare Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmay Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed  Hirshabelle oo bilihii u dambeysay fasax ku jiray.

Kulanka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle,Guddoomiyaha Baaramaanka iyo labadiisa kuxigeen Xubno k atirsan labada Gole ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed  Hirshabelle,hayeeshee uu maanta sirasmi ah u furay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Maalin ka hor ayaa Madaxweyne Waare waxa uu isku-shaandheyn  ku sameeyay Golihiisa wasiirada,waxana jiray xildhibaano kasoo horjeeday Xubnaha Wasiirada uu Magacaabay oo Xildhibaano u badan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *