Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Ku Wajahan Magalada Garoowe

Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gelinka hore lagu wadaa inay tagaan Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wafdiga ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxana shalay Garoowe gaaray wafdi wasiiro ah oo horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha.

Sidoo kale shalay Magalada Garoowe waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 6aad ee Ciidamada xoogga dalka ah oo ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha kana tirsan  Madaxtooyada,kuwaas oo ka qeyb qaadanayo sugida amniga Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa Garoowe kaga sii horeeyay Xubno badan oo ka mid ah mucaaradka dowladda Federaalka,kuwaas oo shalay badankood gaaray Garoowe iyo mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *