Dhagayso:-Madaxweynaha Jubbaland”Gacan Waan Ku Dagaalameynaa, Tan Kalena Waxaan Ku Gelaynaa Doorasho

Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hadalkaan sheegay xilli Gelinkii dambe ee Maanta uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,kadib markii uu Garoowe uga  qayb galay Xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntaland.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Kismaayo ayaa ka hadlay kulamadii Siyaasadeed ee Magalada Garoowe ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday doorashada Madaxweynaha Jubbland oo la filayo inay dhacdo Bisha Agoosto ee Sanadkaan iyo dagaalka Jubbaland ay kula jirto Alshabaab,waxana uu sheegay in howlgaladaas aysan wax dib u dhac ah ku keeni doonin doorashada,isagoo sheegay in taasi ay tahay mid xaqiiqada ka fog.

“Gacanna waddanka ayaa lagu xureynayaa midna waxaa lagu qabanayo Doorashooyinka isla markaasna aan hal maalin dib loo dhigi doonin,dhamaan dadka uu hanka Siyaasadeed ku jiro in ay yimaadan oo ay tartamaan iyaga oo aan khalkhal galin howlgalada lagu xoraynayo wadanka doorashada kasoo qeyb galaan ayuu yiri Madaxwyene Axmed Madoobe.

Halkan Ka Dhagayso

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *