Faahfaahino horudhaca Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | 04 February 2019 –Faahfaahino horudhaca ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax goor dhow ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad ku dhagan suuqa Muqdisho Mall iyo  xarunta Dowlada hoose ee Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Qaraxa oo ahaa Mid si weyn looga maqlay Muqdisho.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed,waxaana hadda socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay dhibaatadu gaartay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *