Ilhaan Cumar “Donald Trump Noloshiisa Oo Dhan Ayaa Nacayb Ku Dhisan”

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka waxay dhabarka kaga toogatay Donald Trump, kadib, markii uu ku baaqay inay is-casisho.

Ilhaan Omar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka waxay Twitter-keeda ku sheegtay inuu Donald Trump yahay nin noloshiisa oo dhan ka shaqeyn jirey Nacayb, isla markaana ka soo horjeeda Muslimiinta, Yuhuudda, Muhaajiriinta, Dadka Madow, kuwa asalka loogu yimid dalka iyo kuwo ka badan.

Waxay kaloo sheegtay inay baratay dadka uu saamaynta ku yeeshay hadaladeeda, iyadoo dhinaca kale Donald Trump weydiisay xilliga uu isagana garan doono?

Si kastabah ha ahaatee, hadalka Ilhan Omar waxa uu jawaab-celin laga sugayey u ahaa hadalkii uu Madaxweyne Donald Trump Talaadadii ku sheegay inay Ilhan Omar iska casisho Kongareeska Mraaykanka ama laga saaro xubinimadeeda Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Aqalka Kongareeska.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *