Golaha Wasiiradda Cusub Ee Koonfur Galbeed Oo La Ansixiyay

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee Koonfur Galbeed.

Kulanka 7-aad ee fadhigiisa 2-aad ayaa waxaa Goobjoog ahaa 124 xildhibaan,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada,waxaana ogolaatay ansixinta 123 Xildhibaan,halka 1 xildhibaan uu diiday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in ay ansax tahay ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Koonur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *