Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Dowladda Jarmalka

Muqdisho | QOL  March 03, 2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika Mudane Günter Nooke, isaga oo Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *