RW Kheyre soo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo

Muqdisho | QOL | Maarso 11, 2019 – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Mudane Xasan Cali Khayre waxaa garoonka Kismaayo si-weyn ugu soo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleed Jubbaland iyo dadweyne kala duwan oo ka yimid xaafadaha magaalada xeebeedka Kismaayo.

Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal kooban ka jeediyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo kaga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay in kismaayo uu joogi doono maalmo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

 

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *