Akhriso:-Amaro Cusub Oo Lagu Soo Rogay Gaadiidleyda Garoowe

Muqdisho | QOL | Maarso  27, 2019 –TMaamulka Degmada Garoowe ee Puntland ayaa soo saaray Amaro cusub oo ku socda dhammaan Darawalada gaadiidleyda Basaska ah (BL-ka) ee ka howlgasha Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Amaradaan cusub ay soo saareen maamulka Degmada Garoowe ayaa waxa gaadiidleyda ka howlgasha Garoowe lagu amray in aysan furi karin Albaabka dhanka laamiga xiga, si looga fagaado Shil Khasaaro Nafeed geysta ama  mid hantiyeed.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmada Garoowe ahna Duqa Caasimadda Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa amaradan lagu soo saaray.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *