Wada Shaqeyn Dhex Marta Golaha Shacabka Iyo Baarlamaanada Maamul-Gobaleedyada Oo Laga Hadlay

Muqdisho | QOL | Maarso  29, 2019 –Kulan gudiga joogtada ah ee golaha Shacabka Somalia ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay ahmiyadda ay leedahay wadashaqeyn buuxda oo dhex marta baarlamaanada.

DHamaanka gudoomiyaasha baarlamaanada maamul-gobaleedyada ayaa goobjoog ka ahaa kulanka waxaana lagu heshiiyay in wadashaqeynta la wanaajiyo baarlamaanadana ay is dhaafsadaan khibradaha ay leeyihiin.

Ugu dambayntii Xoghayaha guud ee golaha Shacabka C/kariin Buux ayaa sheegay in uu jiri doono kulan ka dhacaya magaalada Garoowe oo ay iskugu imaanayaan baarlamaanka fedraalka iyo kan maamul-gobaleedyada hase’ahaatee waqtiga uu qabsoomayo in dib laga soo sheegi doono

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *