Yariisow oo ka hadlay Haweenay loo diiday in ay ku umusho Isbitaal

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ka hadlay Haweenay loo diiday in ay ku dhasho xarun caafimaad oo ku taalla degmada Xamar jajab oo lagu Magacaabo Wardi.

Gudoomiye Yariisow ayaa si kulul u canbaareeyay dhacdadii xanuunka badneyd oo ay la kulantay hooyo Khadra Maxamud Dhicisow.

Waxaa uu sheegay in Xaaladeeda Caafimaad ay wanaagsan tahay hadda, islamarkaana lala xisaabtami doonaan Cidii ka dambeysay falkii lagu waxyeelayay.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in sharciga lala tiigsan doono maamulka Hospital Wardi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *