DEG DEG:-Kulankii Golaha Shacabka Oo Baaqday,Kadib Khilaaf Hareeyay

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Maanta ee Golaha Shacabka .

Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay Codkii loo qaaday warbaahinta,isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen

104 Xildhibaan ayaa u codeysay in warbaahinta laga saaro kulankii Maanta ee looga hadlaayay xaalada amniga ee dalka,waxaana diiday 42 xildhibaan oo kaliya,sidaasina uu khilaaf xoogan ku dhashay.

Wasiiradda amniga iyo Gaashaandhiga ayaa ku sugnaa hoolka Xarunta Golaha Shacabka iyo Taliyaasha Ciidamada Xoogga, Booliiska iyo Asluubta.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa ka doodista amniga Qaranka,hayeeshee waa uu baaqaday.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *