Sawirro:-Wasiiru Dowlaha A/Dibadda Oo Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay Safirka Koonfur Kuuriya

Muqdisho | QOL April 10  2019–MWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa Wasaaradda Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ee  fadhin doono Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *