Ciidanka dowladda oo dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Wararka ay heleyso Shabakada Qaranimo Online  ayaa waxa ay sheegayaan in isgoyska Howlwadaag lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj, islamarkaana la dhaawacay ruuxii saarnaa Mootada.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu  darawalka Mooto Bajaajlaha uu dhowr xabadooda kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka hor askariga iyo darawalka Mooto bajaajlaha uu muran dhexmaray wallow weli sirasmi ah loo helin sababta keentay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada Howlwadaag.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *