Xildhibaan Ibbi “Bajaajleyda aan maanta u qeylineyno, Bambo ayay Ciidamada ku tuuraan”

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Xildhibaan C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in mooto bajaajleyda loo qeylinayo ay qeyb ka yihiin amni darada, isagoo ku eedeeyay inay Ciidamada bambo ku tuuraan.

Isagoo ka hadlayay kulankii looga hadlayay Amniga ee maanta uu yeeshay Baarlamaanka ayuu sheegay in Bajaajleyda ay Bambo ku tuuraan Ciidamada.

“Bajaajleyda aan maanta u qeylineyno bambo ayay ciidamada ku tuuraan, saddex bajaaj ayaa la qabtay oo bambo tuureysa”ayuu yiri Xildhibaan Ibbi oo markii uu hadalkaas sheegay lagu qeyliyay.

Halkan hoose ka daawo:

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *