Dowladda Soomaaliya iyo deyn cafintii shuruudihii laga rabay oo ay buuxisay

Washington | QOL | April 14, 2019 –  Ra’isul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa oo uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliya Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa kulamadii ay la lahaayeen Banking aduunka iyo hey’adda lacagta aduunta IMF ayaa waxaa la sheegay in kulamadaasi ay ku dhamaadeen si heersare.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kamid ah Wafdiga Ra’iisul wasaaraha XFS ee magaalada Washington ku sugan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay inay ka soo baxdo dhamaan shuruudihii laga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku guuleysanay inaan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee Deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya gaartay heerkii ugu sareeyay ee Kalsoonida Beesha Caalamka.

Dhanka kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirarkii malmahan ka socday magaalada Washington ka sheegay in isbedelo la taaban karo laga gaaray dhinacyada horumarinta maamulka iyo maaliyadda,amniga iyo arrimo badan oo horumarinta dhaqaalaha dalka ku saabsan.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

_________________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *