SAWIRO:-Madaxweyne Jubbaland oo Nairobi kula kulmay Safiirka Sweden

Muqdisho | QOL | April 16, 2019–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula qaatey safiirka Dowlada Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von Uexküll .

 

Kulankan oo ahaa mid miro dhal ah ayaa diirada lagu saarey Doorashada soo socota ee Jubbaland , Arrimaha Amniga iyo xiriirka ka dhexeeya Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada .

 

Doorashada Jubbaland ayaa la isku afgartey inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah iyada oo laga digtoonaanayo wax faragalin ah dhinac kastaba haka imaatee.

 

Sidoo kale arrimaha amniga ayuu madaxweyanaha Jubbaland sheegey inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii Amniga si looga adkaado Al-Shabaab una sahlanaato daadejinta nidaamka dowladnimo ee ilaa heer tuulo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *