Guddiga Amniga Jubbaland oo amaro cusub ku soo rogay Kismaayo

Muqdisho | QOL | April 22, 2019 –Guddiga Amniga Jubbaland oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa soo saaray amaro cusub oo la xiriira amniga, iyadoo maamulkaas isu diyaarinayo doorashooyin ku soo fool leh.

Kulanka Guddiga Amniga Jubbaland ayaa faray gaadiidleyda inay qaataan warqadaha sharciga, si loo xaqiijiyo lahaanshaha gaadiidka, iyadoo la sugayo amniga.

Guddiga Amniga ayaa faray ilaalada Madaxda iyo Mas’uuliyiinta inay u dhega nuglaadaan awaamiirta amni ee la soo saaray, isla markaana ay sharciyeeyaan gaadiidka ay wataan.

Sidoo kale waxaa la faray darawalada gaadiidka inay leeyihiin kaararka aqoonsiga, warqada wado marista iyo taargada gaadiidka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhowro awaamiirta ka soo baxday Guddiga Amniga, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo horay soo rogay awaamiir la xiriira dhanka amniga, iyadoo laga mamnuucay Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha in ciidamo la soo galaan Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *