R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Muqdisho ka furay shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

Muqdisho | QOL | April 29, 2019  – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka.

Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay  mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *