SAWIRO: Madaxweynihii hore ee Nigeria oo gaaray Hargeysa

Muqdisho | QOL | May 05, 2019 –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo maanta booqasho ku tagay Somaliland.

 

Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxtooyadda Somaliland ayaa hadda waxaa ka socda kulan u dhaxeeya Madaxweynihii hore ee Nigeria iyo Madaxweynaha Somaliland.

 

Mr Olusegun Obasanjo ayaa ahaa Madaxweynaha dalka Nigeria 1999 ilaa 2007, waxaana uu horay u ahaan jiray Generaal ka tirsan Ciidanka Qaranka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *