Duqa Muqdisho oo ka hadlay howlgallada ka socda Muqdisho & qorshaha xiga

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan cumar Cismaan Yariisow ayaa waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ammaanka ka wadaan Magalada muqdisho guulo laga gaarey.

Waxa uu sheegay in markii uu ku dhawaaqay howlgalkaas oo laga joogo mudo 40 Cisho ah ay sababtay in amniga Caasimadda Soomaaliya wax badan laga qabto,isla markaana falal amnidarro ay geysan lahaayeen Al-Shabaab laga hortagay.

“Runtii waan bogaadinayaa Ciidamada Amniga oo fuliyey howlgallo joogta ah,iyaga oo garab ka helayay shacabka Muqdisho,waxaana ay ka hortageen khasaaro ay geysan lahaayeen Al-Shabaab,waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sugida amniga ayuu yiri duqa Muqdisho.

Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir 30-kii Bishii Maarso ee Sanadkan uu ku dhawaaqay howlgal culus ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay howlgallo joogto ah ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *