SAWIRO:-Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Bari

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Sida ay sheegayaan wararka Idaacadda Risaala kasoo gaaraya duleedka deegaanka carmo ee Gobolka Bari Puntland,waxaa halkaasi ka dhacay shil sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku-dhaceen Booyada nooca Biyaha dhaamisa iyo Gaari Rakaab siday,waxaana la sheegay inay shilkaasi ku dhinteen Saddex Ruux 11 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Carmo ee Gobolka Bari iyo dadka deegaanka ay gurmad u sameeyey dadka ku waxyeeloobay shilkaas,kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Magalada Boosaaso si loogu daweeyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *