Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, abaarihii xilliga afurka kaddib, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

 

Qarax oo aad looga maqlay magaalada oo dhan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Hotelkii hore ee Muna, ka soo horjeedka Beerta Nabada.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa. ma cada halka bartilmaameedka ahaa, inkastoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay dhabarka dambe kaga taalo Hotelka SYL.

 

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha, waxaana uu ahaa qarax jugtiisa oo dhan laga maqlay magaalada oo dhan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *