11 Qof Oo Lagu Dilay Baar Ku Yaalla Brazil

Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay Baar ku yaalla magaalladda Belem ee Gobalka Para ee Waqooyiga dalkaasi, sida ay baahiyeen Warbahainta dalkaasi.

Dabley tiradooda lagu shegay 7 qof ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Baarka laga cunteeyo, kadibna ay toogteen ugu yaraan 11 qof oo ku sugnaa gudaha Baarka.

Dableyda ayaa la sheegay inay ku baxsadeen 3 gaari iyo mooto, markii ay geysteen Toogashadaasi.

Afhayeenadda Maamul-gobaleedka Para oo lagu magacaabo Nataliya Mello ayaa xaqiijisay inuu halkaasi ka dhacay Xasuuq, iyadoo dadka la dilay kala ahaayeen 6 haween iyo 5 nin, halka qof kalena si xun loo dhaawacay.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Madaxweynaha dalka Brazil, Jayr Bolosonaro dhawaan saxiixay Sharci dadka u fasaxaya inay haysan karaan qoryaha iyo rasaasta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *