Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah Kuxigeenadiisa

Muqdisho | QOL | May 26, 2019–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

 

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka shaqada laga joojiyay uu sameeyay amar diido iyo shaqo curyaamin uu ka wado qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafadda.

 

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda, isla markaana aanu kala tashan, sidoo kale waxaa la sheegay in Guddoomiye kuxigeenka uu amar ku bixiyay in la joojiyo mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Door ee degmada Kaaraan.

 

Halkan hoose ka akhriso wareegtada

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *