Iiraan Oo Tijaabisay Gantaal Cusub

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Gantaalkaasi oo lagu farsameeyey gudaha Iiraan ayaa waxaa loogu magac daray Khordad 15, wuxuuna awoodi karaa inuu hal mar hawada ku burburiyo 6 Gantaalladda caddowga soo tuuraan.

Wasiirka Difaaca Iiraan, Jeneral Amiir Hamtimi ayaana waxa uu maanta goobjoog ka ahaa Munaasabadda lagu tijaabinayey Gantaalkaas Cusub, sida ay sheegtay Wakaalladda waraka Iiraan ee IRNA.

Wasiirka oo ka hadlay Munaasbaadaasi waxa uu sheegay in Gantaalkaasi  ogaan karo Diyaaradaha Dagaalka iyo Darooniska,  isla markaana uu wax ka duqeyn karo masaafo dhan 120 KM.

Nidaamka Diffaaca ee Khordad 15 waxaa la sheegay inuu adeegsan karo Gantaalladda Sayad 3 ee lagu farsameeyey gudaha dalka Iiraan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *