Wasiirka Warfaafinta Somalia Oo Nimcaan-Hilaac U Magacaabay Xil Muhiim Ah

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Fanaanka Caanka ah ee gayiga Soomaaliyeed siweyn loogu yaqaano ee Nimcaan-Hilaac u magacaabay Agaasime.

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan-Hilaac) loogu magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Hobolada Waaberi.

 

Nimcaan-Hilaac ayaa waxaa uu kamid yahay Fanaaniinta dhalinyarada ah,kuwaasi oo sanadihii u dambeeyay siweyn Fanka Soomaaliyeed looga yaqaanay,isla markaana waxaa uu soo qaaday heeso kala duwan oo u badan Jaceel.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *