Faah Faahin: Dad lagu laayay duleedka magaalada Gaalkacyo

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Ku dhowaad 10 ruux ayaa caawa lagu dilay duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kaasoo xiisad ka dhaliyay magaalada.

Dadkan lagu laayay duleedka Gaalkacyo ayaa dilkooda ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan la dilay ama la xasuuqay oo gaaraya 9 ruux loo dilay heyb ahaan, iyadoo dableyda dilka geystay ay u aaneynayaan dilka wiilka dhalinyarada ee marki hore lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taala Koofurta Gaalkacyo.

Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in dadka ay dileen ka uruuriyeen gudaha magaalada, dabadeedna ay geeyeen duleedka, halkaasoo ay ku xasuuqeen.

Meydadka dadka lagu xasuuqay duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la isugu geeyay Isbitaalka, waxaana arrintan ka dhalatay fitno qabiil.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *