Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safar dhulka ah tagay magaalada Cadaado

Muqdisho | QOL | Juun 26, 2019-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo mas’uuliyiin kale

Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Mr Xasan Cali Kheyre ayaa lagu xusuustaa inuu horay qeyb ugu ahaa dadaaladii lagu dhisayay Galmudug afar sano ka hor, xilligaasoo uu ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *