SAWIRO:-Madaxweyne Xaaf oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Muqdisho | QOL July 02, 2019—Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ku sugan Magalada Muqdisho ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

 

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xaalada guud ee uu hadda Dalku marayo iyo in la helo xasilooni siyaasadeed.

 

Waxa uu bogaadiyay Safiirku sida uu Madaxweynuhu uga shaqeeyay wada-dagaanshaha iyo in la nabadeeyo Magaalada Gaalkacyo iyo Guulaha uu ka gaaray wada hadaladii iyo dib u hishiisiinta Maamulka Ahlu-suna taas oo keentay in Maamulka Ahlu-suna uu Ciidamadooda ku wareegiyo Dowlada Federaalka ah.

 

Sidoo kale  waxa uu sheegay safiirka in uu u arko guul usoo hoyatay Galmudug kuna timid dadaal badan uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa markii uu sanad iyo bilooyin kadib Muqdisho yimid uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *