Golaha Shacabka Oo Akhrinta 2-Aad Marsiiyay Laba Sharci Oo Muhiim Ah

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:

Hindise Sharciyeedka Wadooyinka Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta.

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *