Waxgaradka Jubbaland oo kasoo horjeestay faragalinta ay dowladdu ku hayso doorashada

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Waxgaradka degaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay faragalin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland.

 

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo Nabadgaliyadda ka jira degaanada maamulka Jubbaland

 

Odayaasha ayaa ka mid ahaa  saxiixayaashii soo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay xuseen in aysan aqbali doonin faragalinta ay dowladdu ku hayso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Ugu dambeyntii Odayaasha waxa ay Caddeeyeen in ay  taageersanyihiin sida ay guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan.

 

Hadalka Odayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli Musharaxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland islamarkaana ay ku eedeeyeen in ay Afduubteen doorashadda maamulka Jubbaland

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *