DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro taas oo ku taalla wadada Aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee ka leexata isgoyska Km4.

 

Qaraxa kadib ayaa waxaa cirka isku shareeray Uuro xoogam,waxaana la sheegay in gaari loo maleynayo in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay agagaarka Hotelka Afrik oo meel u dhow ay ku taallo bar-koontoorool oo laga ilaaliyo Garoonka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

 

Khasaaro kala duwna ayaa lgu soo waramayaa in uu geystay qaraxaas,waxaana goobta gaaray Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo xiray wadada gasha Garoonka Aadan-Cadde.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *