SAWIRO:-Ergo ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta oo gaartay Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 –Magalada Dhuusamareeb ee Xaunta Gobolka Galgaduud waxaa manta gaaray Ergada dadka dega Magalada Cadaado ku matalaya shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

 

Ergadaan oo maalmahaan la sugayay ayaa waxaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubnaha Gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Waxgaradka iyo ergada horey Dhuusamareeb u tegtay.

 

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug,waxaana horay halkaasi u tegay inta badan ergada, iyada oo Xubnaha gudiga ay sheegeen in shirkaasi uu dhawaan furmi doono.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *