SAWIRO:-Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Muqdisho | QOL | September 03, 2019 —Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaaraan dalka Jabuuti wefdiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

 

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee  Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *