SAWIRO:-Wasiir Sadiiq Warfaa oo Shir ka furay Muqdisho

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadaee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiiq  Warfaa ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Arrimo la xiriira  kobaca dhaqaalaha.

 

Shirkan ayaa  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa ay k ku soo bandhigtay barnaamijyadeeda shaqo ee dhallinyarada ee socda kuwaas oo hubinaya shaqaalaynta dhallinyarada oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha dalka.

 

Kullanka waxaa ka qeybgalaya hay’adaha horumarinta dhaqaalaha ka taageera dalka, xubno ka socday Wasaaradaha xukuumadda federaalka iyo heer dowlad-gobolleed,waxaana geba-gabada Shirkaan laga soo saari doonaa War-Murtiyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *