Madaxweyne Xaaf oo markale dib ugu laabanaya Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug basle waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha so socdo uu tago Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

 

Xaaf ayaa haatan ku sugan Koonfurta Magalada Gaalkacyo,waxaana safarkaan uu noqonayaa kii labaad uu tago, iyada oo mudo uu ku sugnaa,balse laba bil ka hor uu kasoo tegay,kadib markii ay is khilaafeen hoggaanka Ahlusunna oo gacanta ku haayay Dhuusamareeb.

 

Axmed Ducaale Geelle Xaaf  qeyb kama aheyn dadaalada ka socday Dhuusamareeb ee ku aadanaa Dhismaha Maamul loo dhan yahay, waxaana uu horay ugu dhawaaqay inuu u wakiishay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *