SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda & WHO oo gaaray Baydhabo

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Wasiirka  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heerka caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaanna wafdigaan  halkaasi  ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Wafdiga WHO waxaa  hoggaaminayey Dr.Axmed Al-Mandhari oo ah Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

 

Wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha Caafimaad ee deegaannada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *