SAWIRO:-Guddoomiye Mursal oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga

Muqdisho | QOL | September 17 2019 —Gudoomiyaha Golaha shacabka BJF Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan  magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa Maanta waxaa uu halkaasi kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Şentop.

 

Kulanka ayaa waxaa ay  uga  wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha iyadoo gudiyada 2da Baarlamaan ay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidoo kale waxaa aqoon kororsi iyo tababaro la siindoonaa shaqaalaha Baarlamaanka.

 

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhigiisa in uu yimaado dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *